Waxa loogu yeero Bangiga Adduunka ayaa ka fiirsanaya inuu hakiyo taageerada miisaaniyadeed ee uu siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib muranka siyaasadeed ee ka dhashay muddo-xileedka Xasan Sheekh Maxamuud iyo hay'adaha maamulkiisa.
Sida lagu iftiimiyey warbixin ay maanta daabacday warbaahinta Faransiisnka ee Africa Intelligence, go’aanka Maxkamadda Sare ee DF Soomaaliya ayaa dib u soo nooleeyey walaaca ku saabsan sharciyadda hay’adaha dowladda iyo awoodda ay u leeyihiin inay sii wataan heshiisyada iyo xiriirrada maaliyadeed ee caalamiga ah.
Maxkamadda Sare ayaa 5-tii November 2026 go’aamisay in muddo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhammaaday 15-kii May 2026, halka muddo-xileedka labada Aqal ee waxa loogu yeero Baarlamaankuna uu ku ekaa 14-kii April 2026.
Sidoo kale, warbixintu waxay xustay in maxkamaddu ay dhinacyada siyaasadda siisay 30 maalmood inay ku heshiiyaan hannaanka doorashada, iyadoo amartay in doorashooyinka lagu qabto muddo 90 maalmood gudahood ah.
Si kastaba ha ahaatee, haddii Bangiga Adduunka uu go’aansado hakinta taageerada miisaaniyadeed, waxay saameyn ku yeelan kartaa awoodda dowladda Federaalka ee bixinta kharashaadka joogtada ah, oo ay ku jiraan mushaharka shaqaalaha dowladda, hawlaha hay’adaha kala duwan iyo taageerada maaliyadeed ee maamul-goboleedyada.
